Monday, July 7, 2025

Sarkaalkii dilalka qorsheysan ee Alshabaab u qaabilsan Gaalkacyo oo baxsaday [Gaarigiisii oo la qabtay]

Howlgal ay ciidamada DANAB iyo kuwa Puntland ka sameeyeen Koonfurta Gaalkacyo ayay gacanta ku soo dhigeen Gaari uu leeyahay nin ka tirsan Alshabaab oo lagu sheegay inuu ahaa Madaxa Al-Shabaab u qaabilsan dilalka iyo qaraxyada magaalada Gaalkacyo.

Gaariga la qabtay ayaa noociisu yahay Land Cruiser, wuxuuna lahaa taargooyinka Dowladda Soomaaliya iyo tan Puntland. Ninkan oo magaciisa lagu soo gaabiay  Nuur Deeq ayaa la sheegayaa inuu leeyahay Gaariga iyo weliba Gurigii laga soo qabtay Siciid C/llaahi Abubakar oo  u dhashay dalka Suudaan arrimaha qaraxyadana u qaabilsanaa Alshabaab.

Wararka ayaa sheegaya in Nuur Deeq ayay sheegeen uu ka baxsaday magaalada Gaalkacyo. Howlgalkan ayaa ka dhacay xaafada Wadajir ee Koonfurta Gaalkacyo.

Goobjooge.com

Baabuur

BAABUUR2

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON