Taliye ku xigeenka cusub ee Ciidamada Booliska Soomaaliya Jen. Cabdalla Cabdalla Maxamed ayaa maanta la wareegay xilka xilka, isagoo qaban doona hoggaanka cusub ee Taliska Howlaha gaarka ah ee Booliska.
Sarkaalkan oo Madaxweyne Farmaajo xilka ka xayuubiyay bishii Septembar 2018, isla markaana ka qaaday darajooyinkii ciidan ee uu lahaa, ayaa waxaa dib darajooyinkiisa ugu soo celiyay Madaxweyne Xasan Sheekh Ogost 2022.
Xil la wareegista Jen. Cabdalla waxaa goobjoog k ahaa Taliyaha Ciidanka Boliiska Soomaliyeed S/Guuto, Sulub Axmed Firin, waxaana xilka ku wareejisey Taliye Xigeenkii hore ee Ciidanka Boliiska Soomaaliyeed Zakiya Xuseen Axmed.
Munaasabadda ayaa ka dhacday Taliska Ciidanka Boliiska Soomaliyeed, iyadoo Taliyaha Ciidanka Boliiska Soomaaliyeed uu soo dhaweeyey Taliyaha cusub ee Howlaha gaarka ah ahna Taliye Xigeenka Ciidanka Boliiska ee Cusub.