Sawir ay faafisay Hay’adda Samafalka Mareykanka ee Mecry Corps ayaa dood weyn ka dhaliyey baraha bulshada kadib markii dadka Soomaalida ay muuqaalkaasi u qaateen mid xadgudub ku ah Baashe Axmed Yuusuf.
Mecry Corps ayaa barteeda Twitter-ka ku soo bandhigay sawirka Baashe oo ahaa shaqaale u shaqeynayay xilli uu dhex fadhiyay Bakhaar ay ka muuqdaan mucaawino Mareykanku bixiyey, isagoo markaas u muuqday qof hubiye ahaa, waxayna qoraal ay soo raacisay ugu hambalyeysay Guddoomiyaha cusub ee Maxkamadda Soomaaliya Baashe Yuusuf Axmed oo hay’addaasi ka soo noqday madaxa Barnaamijyada.
Dad badan ayaa sawirkaasi ku tilmaamay mid Gef ku ah guddoomiye Baashe iyadoo Hay’adda Mercy Corps ku dhaleeceeyay inay sawir hore oo shaqo muujinaya ay la wadaagto dadka, halka qaar kale ay xaaladda gaarsiiyeen in bandhigga sawirkaasi lagu dacweeyo hay’adda.
Qaar kale oo ka mida dadkii faallada ka bixiyey sawirka ayaa ku dooday in sawirka uu muujinayo shaqo nadiif ah oo aanay jirin wax xumaan ah oo ka muuqata, iyagoo guddoomiye Baashe ku tilmaamay nin shaqo nadiif ah soo qabtay xilligaasi.
Congratulations to our former program officer and youth advocate, Bashe Yusuf Ahmed, who has just been named the new Chief Justice of #Somalia! Your Mercy Corps family is rooting for you! pic.twitter.com/lPFA3Un6od
— Mercy Corps (@mercycorps) May 31, 2018