Monday, June 23, 2025

Sawir-qaadihii Gaariga la saarnaa Marxuumad Almaas Elman oo ka warbixiyey Qaabkii loogu dilay Xerada Xalane

Sawirqaade la socday marxuumad Almaas Elman Cali ayaa markii ugu horeysay ka hadlay sidii ay wax u dhaceen maalintii 20-ka Novembar ee Arbacadii oo rasaas ay haleeshay xilli ay Gaari wada saarnaayeen.

Siciid Fadhaye oo Gaariga la saarnaa Almaas, isla markaana ay hal qeyb wada fadhiyeen ayaa qoraallo uu soo dhigay Baraha bulshada ku faahfaahiyey qaabkii ay rasaasta u haleeshay Almaas iyo Geerideeda, wuxuuna sheegay in wixii dhacay maalintaasi ay ahaayeen wixii ugu xumaa iyo naxdintii ugu weyneyd ee uu noloshiisa usoo joogay.

“Walaashey Almaas Allaha u naxariistee waxaan kasoo duulnay Nairobi subaxdaas, waxaana Muqdisho u nimid seminaar ka dhaceyey Xalane.. markii aan ku laabaneynay Garoonka abaarihii 2:30 PM, waxaan gaari u qaadanay Garoonka. Almaas waxay fadhiday dhinaceyga kursiga rakaabka. Si degdeg ah ayaan u maqalnay dhawaq xoog leh, waxaana igu soo dhacay firirkii dariishada Gaariga. waan qabtay oo waan la hadlay.. balse waxaan xaqiiqsaday inay si darran u dhiig baxeysay. Waxaan darawalka u sheegay inuu ula cararro Isbitaalka, halkaasoo ay ku geeriyootay..” ayuu qoraalkiisa ku yiri Siciid Fadhaye oo isla maalintaas lagu xiray Garoonka Muqdisho.

Wuxuu sheegay inay Almaas ahayd qof insaan ah oo degan, isla markaana aanu iloobi doonin, wuxuuna rajeeyay in kuwii dilkeeda ka danbeeyay cadaaladda la horkeeno.

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON