Waxaa la shaaciyay sawirkii ugu horeeyay helay wiilkii asalkiisu Soomaaliga ahaa ee geystay weerarkii habeen hore ka dhacay magaalada Londo ee dalka Ingiriiska, sida aya faafisay saxaafadda Ingiriiska.
Wiilkan oo 19 sano jir ah ayaa lagu magacaabaa Zakariye Bulxan, wuxuuna ku dhashay dalka Norway isagoo heysta dhalashada dalkaasi, laakiin waxay u soo guureen dalka Ingiriiska sanadkii 2004 isagoo markaas ahaa 5 sano jir.
Arday ay isku dugsi ahaayeen ayaa sheegay inuu Zakariye ahaa wiil xirxiran laakiin aanay fileyn inuu ku kaco fal noocaasi ah oo uu dil geysan karo.
Zakariye ayaa la sheegay inuusan dhimirkiisu taam ahayn, waxayna Booliska sheegeen in weerarka uu geystay aanu ahayn mid xiriir la leh argagixiso ama la qorsheeyay.
Haweeney Mareykan ah oo 64 sano jir ah laguna magacaabo Darlene Horton ayuu weerarkaasi ku dilay Zakaiye Bulxan isagoo dhaawacay shan qof oo kale.
DAAWO SAWIRRO
Wakaalado