Web lagu magacaabo styleyetu ayaa soo bandhigay gabadha Soomaaliyeed ee Ilwaad Elman oo dhowaan xoghayaha guud ee Q/Midoobay u magacaabay xubin ka tirsan guddi la-talin oo arrimaha dhalinyarad, Nabadda iyo Ammaanka qaabilsan. (Akhri warkan)
Gabadhan ayaa da’deeda lagu sheegay 27 sano jir, waxaana lasoo bandhigay sawirro muujinaya nolosha reer Galbeednimada ah ee Canada oo ay ku kortay, waxayna u muuqataa sida gabdhaha Fashion-ka oo dharka xayeysiiya.
Ilwaad oo madax ka ah ururka ay hooyadeed hogaamiso ee Elman Peace and Human Rights Center xaruntiisuna tahay magaalada Muqdisho waa gabar marka ay dalkeeda joogro asturan, balse marka ay dibadda u baxdo u dhaqanta sida dadka ay la kortay, taasoo ay sumcad kaga kasbatay dunida reer Galbeedka.
Webka styleyetu ayaa sidan ku sifeeyay Ilwaad Elman:
Whether in a burqa or showing off her long neck and short haircut, this lady could pass for a high fashion model that would remind you of Iman in her hey days. She is everything a confident, driven and influential role model should be.
Check out the video below as she speaks on Elman Peace, war torn Somalia and her thoughts on how to change the world.