Sunday, July 13, 2025
HomeSomaliBanaadirSAWIRRO: Axmed Madoobe oo Ciidamadii ugu badnaa oo si weyn u hubeysan...

SAWIRRO: Axmed Madoobe oo Ciidamadii ugu badnaa oo si weyn u hubeysan u diray Muqdisho

-

Madaxweynaha Jubbaland Axmed Maxamed Islaam ayaa ciidamadii ugu badnaa oo ilaalo ah u diray magaalada Muqdisho, kuwaasoo ku hubeysanaa hubka culus iyo kuwa fudud.

Cutub ka tirsan ciidamada gaarka ah ayaa diyaarad gaara kasoo qaaday magaalada Kismaayo, iyagoo uga sii hormaray caasimadda Soomaaliya, waxaana laga dareemayaa inay ciidamadan yihiin kuwo u socda aag dagaal oo kale, taasoo ay ugu wacan tahay tiradooda iyo hubka ay wataan.

Ciidamadan ayaa loogu talogalay inay sugaan Amniga Axmed Madoobe inta uu joogo magaalada Muqdisho, waxayna uga hormari doonaan halka la dejiyey iyo meelaha uu shirarka uga qeyb galayo.