Monday, June 23, 2025

SAWIRRO: Bandhig Carweedka Dhaqanka iyo Farshaxanka Haweenka oo Muqdisho ka furmay

Waxaa magaalada Muqdisho maanta ka furmay Bandhig Carweedka Dhaqanka iyo Farshaxanka ee uu soo qabanqaabiyay maamulka Gobolka Danaadir.

Bandhigga waxaa furay Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Magaaladda Muqdisho Mudane Taabit Cabdi Maxamed, kuxiggeenadiisa iyo Xoghayaha Guud ee Gobolka Banaadir Subeyda Maxamed Mukhtar.

Waxaa ka qeyb galay bandhigga oo ahaa mid dad badan soo jiitay Guddomiyaha Aqalka Sare Mudane Cabdi Xaashi Cabdullahi. Wasiirka Amniga Qaranka Mudane Maxamed Abuukar Isloow, xilibaano iyo shacabka Caasimada.

Waxaa farshaxan iyo agab dhaqameed qiimo leh oo fara badan soo bandhigay haween ka kala yimid17 ka Degmo ee Gobolka Banaadir iyadoo soo bandhigay xirfadohooda Wax soo saar ee  soo nooleynta Hiddaha iyo dhaqanka ee dalkeena uu caanka ku yahay.

Ad

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Taabit Cabdi Maxamed,  ayaa Shacabka Somaliyeed ugu baaqay in lasoo celiyo dhaqankii soo jireenka ahaa ee soomaaliya kaga tilmaamneed dunida inteeda kale.

Warar Xul ah
SourceSONNA

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON