Bannanbax ay dhigayaan Boqolaal dhalinyaro ah ayaa Saaka ka socda Magaalada Muqdisho, iyagoo ka cabanaya falalka dilalka ah ee lagu hayo dhalinyarada Magaalada Muqdisho ku nool.
Waxaa soo abaabulay bannaanbaxa dhalinyarada adeegsata baraha bulshada, wuxuuna ka bilwoday Isgoysyadaa Banaadir iyo Soope. Bannaanbaxa waxaa ka dhex muuqda dhalinta wax baratay ee Muqdisho oo si weyn uga carootay dilkii dhowaan Muqdisho loogu geystay wiil dhalinyaro iyo ganacsade ahaa oo caan ka ahaa magaalada.