Saturday, July 12, 2025
HomeSomaliBanaadirSawirro: Burbur Culus iyo Qasaaraha uu geystay Weerarkii Alshabab ee Wasaaradda Waxbarashada

Sawirro: Burbur Culus iyo Qasaaraha uu geystay Weerarkii Alshabab ee Wasaaradda Waxbarashada

-

Burbur xoog leh, dhimasho iyo dhaawac ayaa ka dhashay Qaraxyo waaweyn oo maanta lagu weerarray xarunta Wasaaradda Waxbrashada magaalada Muqdisho.

Xaruntan oo ku taalla inta u dhaxeysa Isgoyska Soobe iyo Laami-yaraha, waxaa lagu weerarray qarax is-miidaamin ah oo loo adeegsaday Gaari weyn oo waxyaabaha qarxa saaran yihiin, kadibna daqiiqado kadib waxaa lagu qarxiyey Gaari kale oo yar, kaasoo lala beegsaday ciidamadii iyo dadkii gurmadka u yimid.

Qasaaraha ayaan weli tira-koob sax ah laga heyin, laakiin muuqaaladii ugu horeeyay waxay muujinayaan qarax u muuqaal eg kii isla goobtan lagu qarxiyey 14 Oktoobar 2017, inkastoo qasaaru ka yar yahay.

Baaxadda burburka wuxuu dadka soo xusuusiyay qarixii Soobe, waxaana Booliska Soomaaliya uu sheegay in qasaaraha guud ahaan weli la heynin, isla markaana ciidamada amniga ay ka fiijignaayeen qaraxyadan.

Tirada hordhaca ee dhimashada ayaa lagu sheegay 20, halka dhaawacyadu ka badan yihiin. Dadka ku dhintay qaraxa waxaa ka mida haweenka Qaadka ku iibin jiray halkaasi iyo dadkii goobta ku sugnaa oo la socday Gaadiidka u badan Mooto Bajaajta.