Saturday, July 5, 2025

SAWIRRO: Caruur walaallo ah oo ku dhintay hoobiyeyaashii lagu weeraray Madaxtooyada

Faahfaahin dheeraad ah ayaa kasoo baxeysa weerar hoobiyeyaal ah oo lagu qaaday maanta duhurtii madaxtooyada Soomaaliya ee magaalada Muqdisho.

Mid ka mida madaafiicda ayaa ku dhacay guri degaan ah, waxaana ku dhintay laba caruur oo wallaalo ah, iyadoo ay ku dhaawacmeen labadii waalid ee caruurtaasi, sida ay soo weriyeen dadka deriska la ah qoyskan oo degan agagaarka madaxtooyada, degmada Wardhiigley.

Sidoo kala waxaa madaafiicda ku dhaawacmay  saddex qof oo kale, waana weerarkii ugu horeeyay ee lagu qaado madaxtooyada ka yar muddo saacad ah oo uu ku sugnaa madaxweynaha cusub ee Soomaaliya Maxamed C/llaahi Farmaajo.

Kooxda Ashabaab ayaa inta badan qaada weerarrada noocan oo kale ah, waxayna farriin cad u tahay madaxweyne Farmaajo oo ay la kowsatay xaalad ami oo liidata.

DAAWO SAWIRRO

Goobjooge.com

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON