Sunday, July 6, 2025

SAWIRRO: Ciidamada Kumaandooska oo Waxyaabo Qarxa ka helay Guri ku yaalla degaan ay ka qabsadeen Alshabaab

Howlgalkii ay Ciidamada Kumaandooska Soomaaliya ee Danab Xoogga  kula wareegeen degaanka Baladul-Amiin ee hoostaga Degmada Walaweyn ee Gobalka Shabeelaha hoose ayaa gacanta ku dhigay Kartoonyo lagu xareeyay qaraxyo iyo hub Maleyshiyada Al-shabaab ugu jiray guri ku yaala degaankaasi.

Saraakiil katirsan Ciidanka Xoogga Dalka ayaa sheegya  in gacanta lagu dhigay Qaraxyo iyo rasaas oo yaalay guri ku yaala degaan Baladul Amiin, kuwaasi oo ay Shabaabka u adeegsan jireen gumaadka ummadda Soomaaliyeed.

Sidoo kale Saraakiisha kumaandooska Soomaaliya ayaa xaqiijiyeen in Ciidamada kumaandooska Soomaaliya ay gacanta ku dhegeen taleefano nabadiidka Al-Shabaab ay u isticmalaan weerarada qaraxyada ay ku xasuuqaan dadka shacabka ah.

Howlgaladani oo ah kuwo qorsheysan ayaa ujeedkoodu yahay sidii Alshabaab looga saari lahaa guud ahaan meelaha ay kaga sugan yihiin gobolada Dalka Soomaaliya,gaar ahaan Koonfurta iyo bartamaha Soomalaiya oo ah halka ay ku dhuumaalaysanayaan.

Waxaa barbar socda  howlgaladaasi dhulka ah,duqeymo xagga Cirka ah oo lagu beegsanayo horjoogayaasha Shabaab,waxaana duqeyntii ugu dambeysay lagu dilay horjooge katirsanaa Daacishta ku sugan Buuralayda gobolka Bari ee Puntland.

     

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON