Saraakiil Itoobiyaan ah oo hordhaca u ah ciidamo Itoobiyaan ah oo la geynayo magaalada Kismaayo ayaa maanta tegay magaaladaasi iyagoo booqday xerooyin loo diyaariyay in la dejiyo ciidamada Itoobiya oo markii ugu horeysay ka howlgalaya gobolka Jubbada hooseoo ahayd meeshii ugu dambeysay ee ay doonayeen.
Saraakiisha Itoobiyaanka ee maanta tegay Kismaayo ayaa la kulmay madaxda ciidamada AMISOM saldhigoodu yahay garoonka diyaaradaha magaalada Kismaayo iyo saraakiil ka Maamulka Jubba oo uu hogaminayo Gen. Darwiish.
Guuti ciidamo Itoobiyaan oo ka badan 950 askari ayaa lagu wadaa inay dhowaan tagaan Kismaayo iyadoo Itoobiya ay hore AMISOM ugu balanqaaday inay buuxiso kaalintii ay baneeyeen ciidamadii Sierra leone ee Kismayo
Itoobiya ayaa noqoneysa in gobolada Koonfurta Soomaaliya oo dhan ay ciidamo ka joogaan marka laga reebo Muqdisho iyo Shabeelaha dhexe oo kaliya.
[ad name=”HTML-1″]
Goobjooge.com
[ad name=”HTML-7″]