Ciidamada jabhadda ONLF ee xoreynta Soomaali Galbeed, kuwooda gaarka ah ayaa laga duuliyey magaalada Asmara iyagoo ka degay magaalada Jigjiga ee dowladda Soomaalida Itoobiya.
Ciidamadan oo aan hub wadan ayey diyaarad ay leedahay shirkadda Ethipian Airlines ka qaaday magaalada Asmara iyadoo arrintan ay qeyb ka tahay heshiis dhex maray dowaldda Itoobiya iyo ONLF oo ururkaasi ku ogolaaday inuu noqdo urur siyaasadeed iyo xisbi aan hubeysneyn.
Ciidamada ONLF waxaa si weyn loogu soo dhoweeyay Garoonka Garad Wiilwaal ee magaalada Jigjiga, iyadoo dadweyne badan ay isugu soo baxeen, waxaana dadka soo dhoweeyay ka mida saraakiil ka tirsan Jabhadda ONLF.