Dab wayn ayaa qabsaday dhisme ku yaalla magaalada London, iyadoo laga cabsi qabo inuu gebi ahaan burburro.
Dhismaha Grenfell Tower ayaa ku yaalla Lancaster West Estate waxaana la sheegay in ilaa 200 oo dab damis ah ay la tacaalayaan xakamaynta dabka, taasoo ay waxba ka qaban waayeen.
Booliiska ayaa sheegay in 30 qof ay ku dhaawacmeen, isla markaana laga cabsi qabo inuu dhismahaasi soo dumo kadib markii gubanayay muddo saacado ah.
Xaaladda ayaa kasii dartay markiii dabku sii batay kaasoo noqday midl oo caal waayay, waxaana la daawanayaa iyadoo dhismahaasi gebi ahaan dabku hareereeyay.
DAAWO