Sunday, June 22, 2025

SAWIRRO: Dad ku dhintay iyo hantidii ugu badneyd oo ku bas beeshay Suuqa Bakaaraha

Saddex qof ayaa la xaqiijiyay inay ku dhinteen dab xoog leh oo aroortii saaka ka kacay suuqa Bakaaaraha ee magaalada Muqdisho.

Dadka dhintay ayaa la sheegay in laba qarax uu sameeyay dabka ay dhexda u galeen iyagoo ka mid ahaa dadka suuqa hantida ku leh.

Dhinaca kale hanti aad u fara badan ayaa ku bas beeshay gubashadii suuqa, wuxuuna dabku baabi’iyay qeybaha bacadleyaasha, Suuqii Khaliifa, Sarrifka lacagaha, maacuunta iyo qeybo ka mida Qandallada.

Ad

Dabkan ayaa noqonaya kii ugu qasaaraha badnaa ee dhowaanahan haleela suuqa Bakaaraha oo dhowr jeer oo hore gubtay.

Guddoomiyaha Gobolka banaadir ayaa gaaray suuqa isagoo codsaday in wadooyinka suuqa la furo si hantida loo badbaadiyo.

Wararkii ugu danbeeyay ayaa  sheegaya in Dabkii weynaa la xakameeyay, ayna socdaan dadaalkii ugu danbeeyay ee lagu qiimeynayo xaaladda kadib markii la damiyay dabka oo muddo 5 saacadood ah lala tacaalayay.

- Advertisement -

DAAWO SAWIRRO

- Advertisement -

Goobjooge.com

Warar Xul ah

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON