Roob xoog leh oo xalay ka da’ay magaalada Muqdisho ayaa dhaliyay khasaare nafeed iyo burburka wadooyinka magaalada.
Roobabka ayaa keenay inuu joogsado isu socodka magaalada, waxaana biyo fara badan ay xireen wadooyin iyo xaafado dhan oo saameynta ugu badan ku yeeshay goobaha ay degan yihiin dadka barakacayaasha.
Afar caruur ah ayaa la sheegya inay ku dhinteen roobabka, kuwaasoo deganaa xerooyin barakacayaal oo ku yaalla degmooyinka Yaaqshiid, Kaxda iyo Boondheere, kadib markii ay qaadeen Daadad ka dhashay roobabkii xalay.
Wadadda isku xirta Isgoyska Dabka iyo Bakaaraha oo dib u dhis ka socday ayaa saameyn xun ay ku yeesheen roobabka ka da’ay magaalada Muqdisho, waxayna xaafadaha ku dhow noqdeen kuwo aanay dadku isu socon karin.