Friday, July 18, 2025

SAWIRRO: Dadkii caanka ahaa ee lagu dilay Weerarkii Nairobi & Saaxiibo Somali ah oo ka mid noqday

Tirada dadka ku dhintay weerarkii Alshabaab ku qaaday magaalada Nairobi, gaar ahaan dhismaha Dusit ee degmada Westland ayaa sare u kacday, iyadoo dadka ku dhintay ay ka mid yihiin laba nin oo Soomaali ah, saaxiibana ahaa.

Booliska ayaa sheegay inay tirada dhimashada dadkii ku dhintay weerarkii Nairobi ay gaartay 21 qof, dadka dhintay waxaa kamid ahaa sarkaal ka tirsan booliska Kenya, ganacsade Mareykan ah iyo taageere weyn oo dhinaca kubadda cagta ah.

James Oduor Cobra
James Oduor Cobra waxaa la dilay sanadguuradii dhalashadiisa – wuxuu ahaa taageer isboorti oo caan ah
Jason Spindler
Jason Spindler waa Mareykan yaqaan xirfadda IT, wuxuuna ka badbaaday weerarkii 11-ka September ee New York
L-R: Feisal Ahmed and Abdalla Dahir
Bidix: Feysal Axmed iyo Cabdalla Dahir saaxiibo Soomaali ah oo u shaqeynayey Hay’adda Adam Smith International (ASI), waxaa la dilay iyadoo wada qadeynaya
Luke Potter
Luke Potter waa Britian oo u shaqeyn jiray Hay’adda Gatsby Africa

Mas’uuliyiinta dalka Kenya waxay sheegeen in dhammaan dableydii weerarka soo qaaday la dilay balse hadda ay socdaan baaritaanno lagu raadinayo dadka kale ee looga shakisan yahay in kooxaha ay u fududeeyeen inay weeraka ka gaystaan huteelka DusitD2 ee ku yaalla galbeedka Kenya.

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON