Monday, June 23, 2025

SAWIRRO: Dadweyne hor istaagay gaadiid ay leedahay AMISOM oo shil ku galay Muqdisho

Gaari ay leeyihiin ciidamada AMISOM ayaa agaagarka Isgoyska mashquulka badan ee Zoobe magaalada Muqdisho

ku jiiray gaari qof shacab ah leeyahay iyadoo uu jiro qasaare ka dhashay shilkaasi.

Hal qof ayaa ku dhaawacmay shilka ay AMISOM sababtay, kadib markii mid ka mida Gawaarida gaashaan ee ay wateen ciidamada uu jiiray Gaari gaariga rayidka, iyadoo ciidamada AMISOM ay damceen inay isaga tagaan goobta shilka ka dhacay.

Shilka ayaa ka dhacay kasoo horjeedka Wasaaradda arrimaha dibadda Soomaaliya,waxaan ay ciidanka AMISOM goobta ku hakiyay dadweyne fara badan oo u diiday inay ka tagaan goobta shilka ay ku galeen.

Dadweynaha ayaa gaadiid ku gooyay wadada iyadoo dalbanaya inaysan bixin iyagoo aan wax ka qaban dhibaatada ay geysteen, waana markii labaad arrintan oo kale ay ka dhacdo Muqdisho.

Ciidamada AMISOM ayaa hore u caadeystay inay ka cararaan shilalka ay galaan inta ay dhex socdaan magaalada Muqdisho, waxaase arrintan ka hor yimid shacabka Muqdisho.

DAAWO SAWIRRO

amisom1

amisom2

amisom3

Goobjooge.com

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON