Ciidamada Jubbaland ayaa soo bandhigay xubno ka tirsan Alshabaab iyo waxyaabaha qaraxa oo ay farsameeyeen.
Saddex nin oo la sheegay inay yihiin farsamayaqaanada Alshabaab ee waxyaabaha qarxa ayaa lagu soo qabtay howgal ka dhacay degmada Dhoobley ee gobolka Jubadda hoose, kuna dhow xuduudka Kenya.
Saaakiisha ciidamada Jubbaland ayaa sheegay in qaraxa lala damacsanaa Saldhiga Ciidanka Booliska degmada oo laga hortegay. Halka wararka qaar sheegayaan in loo gudbin rabay xuduudka Kenya si loogu adeegsadao weerarrada laga fuliyo gudaha Kenya.
DAAWO SAWIRRO