Hay’adda Socdaalka iyo Jinsiyadda Soomaaliya ayaa maanta la wareegtey Doon nooca dheereysa ah oo lagu ilaalinayo xuduudaha Badda Soomaaliya.
Doontan oo la sheegay inay adeegsan doonto Hay’adda xuduudaha Badda ayaa lagu fulin doonaa howlgalada raadinta ah ee looga hortagayo socdaaladda sharci darada ah ee ka baxaya ama ka soo galaya dalka Xuduudka Badda Soomaaliya oo la shaqeyn doonta ciidamada ilaalada xeebaha Dalka.
Mas’uul ka tirsan Hay’adda Socdaalka iyo Jinsiyadda Soomaaliya ayaa sheegay in Doontan muhiim u tahay shaqada Hay’adda, islamarkaana lagu ilaalinayo socdaalka xuduudaha Badda, waxaana Doontan ku deeqday Hay’adda Socdaalka Aduunka ee (IOM), waxaana loogu tala galay in lagu daba galo socdaalka sharci darada ee ka jira Xeebaha Soomaaliya.
SAWIRRO