Dowladda Japan ayaa Gaadiid muhiim ah iyo Qalab ku wareejisay ciidamada Booliska Soomaaliyeed.
Deeqda ayaa isugu jirta gaadiidka Ciidanka ay isticmaalaan, Mootooyinka Booliska oo casri ah iyo agab kale, waxaana garoonkla Muqdisho kula wareegay Taliyaha Ciidamada Booliska General C/xakiin Daahir Saciid (Saacid) iyo Wasiir ku xigeenka Amniga.
Dowladda Japan oo soo marisa hay’adda UNDP ayaa taageero gaadiid iyo qalab ah mar waliba u fidisa Booliska Soomaaliya iyo qalabkaasi aan si fiican loo xifdin oo la arko iyadoo degdeg ay u waxyeeloobaan.
SAWIRRO