Madaxweynaha Soomaaliya, Maxamed Cabdilaahi Farmaajo ayaa ka qayb galay olalaha nadaafada oo uu horay ugu dhawaaqay in 29-ka bil kasta shaqaalaha dowladdu sidaan oo kale sameeyaan.
Waa todobaadkii labaad oo ololahaan uu socdo, waxaana sidoo kale ka qeyb qaatay ra’iisul wasaaraha oo wadooyinka qaar dadka qashinka ka aruurinayay isku soo sawiray isagoo tiran dareeska ciidamada milateriga.
Madaxweyne Farmaayo ayaa Shacabka ugu baaqay inay iyagana dowrkooda ka qaataan aruurinta qashinka si loo helo waddan nadiif ah.
Madaxweynaha iyo ra’iisul wasaaraha ayaa caan ku ah inay bulshada usoo bandhigaan muuqaalo ismuujin ah oo bulshada ay ku kasbanayaan.