Tuesday, June 24, 2025

SAWIRRO: Garsoorayaashii uu Magacaabay Madaxweyne Farmaajo oo xilka loo dhaariyey

Waxaa maanta la dhaariyay garsoorayaashii uu dhowan magacaabay Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo, kuwaasoo ahaa afar garsoore oo ka mid noqonaya Gorsoorayaasha Maxkamadda Sare.

Dhaarinta Garsoorayaasha waxaa goobjoog ka ahaa Guddoomiyaha Maxkamadda Sare Baashe Yuusuf Axmed, Wasiirka Cadaaladda Xasan Xuseen Xaaji, Guddoomiyaha Maxkamdda Racfaanka Garyaqaan Abshir Cumar Cabdullahi, Taliyaha Ciidanka Booliska Bashiir Cabdi Maxamed Ameeriko iyo xubno kale.

Guddoomiyaha Maxkamadda sare ayaa sheegay inay jiraan garsoorayaal laaluush qaateyaal ah:  “Waxaan heynaa caddeymo aad u badan kuwaasoo ku saabsan Musuqmaasuqa. waxaa jiro qareeno qaata laaluush balse waxaa jiro baaritaano joogto ah oo aan dadkaas ku heyno, musuqa waxaan kula jirnaa dagaal aad u balaaran.” ayuu yiri guddoomiyaha Maxkamadda Sare oo ka hadlay munaasabadda.

Wasiirka Wasaaradda Cadaaladda Xukuumadda Soomaaliya Xasan Xuseen Xaaji oo isna munaasabadda ka hadlay ayaa sheegay in Garsoorka dalka uu isbedel weyn ka muuqdo taas oo in halkaas laga siiwado ku dhiiri galinayaan Madaxda Maxkamadaha kala duwan ee dalka.

Xildhibaanno ka tirsan Baarlamaanka ayaa sheegay inay sharci darro tahay Garsoorayaasha uu madaxweyne Farmaajo magacaabay, tiradii ahayd 9 Garsoorena uu ka badiyey.

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON