SAWIRRO: Gudddoomiyaha G/Banaadir oo shirkii Golaha Wasiirada ka jeediyay Dalab culus [Akhriso]

0

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir, ahan duqa magaalada Muqdisho Taabit Cabdi Axmed ayaa maanta markii ugu horeysay ka qey galay shirka toddobaadlaha ee Golaha Wasiirada.

Khudbad uu ka jeediyay Golaha wasiirada ayuu faahfaahin uga bixiyay waxqabadka maamulka Gobolka banaadir iyo xaaladaha soo wajahay maamulkiisa.

Arrinta ugu weyn ee uu Golaha Wasiirada hor dhigay ayaa ah Dalab culus oo ku saabsan qoondada Gobolka Banaadir ka helo ilaha dhaqaalaha magaalada oo ah 15% isagoo dalbaday in lagu kordhiyo 10%.

Guddoomiyaha G/Banaadir ayaa sheegay in gobolka banaadir uu hoy u yahay una adeego muwaadiniinta Soomaalida rubuc (25%), una baahan yahay dakhli dheeraad ah si loo fuliyo adeegyada dadka u baahan yihiin sidaas darteedna uu codsaday in dowladda federaalka ay aqbasho dalabkiisa.

SAWIRRO