Sunday, July 13, 2025

SAWIRRO: Guddoomiyaha Baarlamaanka oo si weyn u dhaliilay, Dalab Culusna u diray Wasaaradda Dastuurka [Akhriso]

Guddiga joogtada ee Golaha Shacabka ayaa maanta xarunta golaha shacabka kula kulmay Mas’uuliyiin ka tirsan Wasaaradda dastuurka oo uu hogaaminayey wasiir ku xigeenka Wasaarada Dastuurka ee xukuumadda Soomaaliya Xuseen Cabdi Cilmi.

Kulanka oo xasaasi ahaa ayaa loogu hadlay halka uu marayo hanaanka dib u eegista Dastuurka, wada shaqeynta guddiyada dastuurka iyo wasaarada dastuurka, waxayna wasaarada dastuurka soo bandhigtay cutubyada lagu guuleystay in dib u eegis lagu sameeyo iyo kuwa hada ay dib u eegista ku socdaan.

Sidoo kale wasaarada dastuurka ayaa soo bandhigtay jadwalka shaqada ee la xiriira howlaha dib u eegista iyo caqabadaha hor taagan in qodobada qaar dib u eegis lagu sameeyo.

“Runtii wasaarada dadaal ayay wadaa, golaha shacabka waxa ka codsanaya in wasaarada dastuurka iyo guddiyada dhisan inaad kala shaqeysaan howlaha culus ee horyaallo, si loogu guuleysto in dastuur loo dhan yahay aan yeelano”. ayuu yiri wasiir ku xigeenka wasaarada dastuurka.

Xubnaha guddiga joogtada ee kulanka ka qeyb galay ayaa wasiir ku xigeenka iyo xubnihii la socday weydiiyay su’aalo ku saabsan cutubyada dib u eegista lagu sameeyay, sidoo kale waxa ay ku biiriyeen talooyinkooda.

Guddoomiyaha golaha shacabka ee baarlamaanka federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Mursal Sheekh C/raxmaan oo kulanka si kulul uga hadlay howsha ay wado Wasaaradda Dastuurka iyo dardar gelintya howlaha dib u eegista, wuxuuna wasaarada dastuurka faray iney shaqooyinka ay wadaan sii labada jibaaraan, golaha shacabkana ay usoo gudbiyaan warbixin dhameystiran si waqtiga haray loogu faa’iideysto.

” Golaha shacabka waxa uu matalaa shacabka Soomaaliyeed, warbixinta aad maanta na siiseen ma ahan mid aan ku qanci karno mana aqbaleyno in howsha dib u eegista ay sidaan ku sii socoto, waxa rabnaa inaad la timaadaan qorshe cad, golaha shacabka waxa uu diyaar u yahay inuu idiinla shaqeeyo habeen iyo maalin”. ayuu yiri guddoomiye Mursal.

Ugu dambeyn guddoomiye Mursal ayaa sheegay in guddiga joogtada ee golaha shacabka uu la xisaabtamayo wasaarada dastuurka iyo guddiyada ku howlan dib u eegista dastuurka.

Image may contain: 2 people, people sitting, table and indoor

Image may contain: 2 people, people sitting, table and indoor

Image may contain: 2 people, people sitting, table and indoor

Image may contain: 1 person, sitting and indoor

Image may contain: 7 people, people sitting, table and indoor

 

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON