Guddoomiyaha cusub ee Gobolka Banaadir ayaa maanta socod wareeg ah ku soo maray xarumaha gobolka Banaadir.
Guddoomiyaha cusub Taabit Cabd oo uu la socdo Gudoomiyihii hore Yuusuf Xuseen Jimcaale iyo guddoomiye ku xigeenada Gobolka ayaa lagu soo wareejiyay xarumo ay ka mid yihiin: Xaruta Gaadiidka dab-damiska, Xarunta dad dhigista, xarunta gobolk Banaadir iyo qaar ka mida xarumaha degmooyinka.
Socodka maanta ayaa ka horeeyay xil wareejintac caawa dhici doonta oo guddoomiyaha cusub uu xilka kula wareegi doono. Waxaana Gobolka Banaadir lagu tilmaamaa mid ka mida xilalka ugu waaweyn ee dowladda federaalka ay magacawdo iyadoo gobollada kale ay gacanta ugu jiraan maamul goboleedyo.
SAWIRRO
Goobjooge.com