Sunday, July 13, 2025

SAWIRRO: Haweeney 20 sano Guri looga heystay Muqdisho oo farxad la ilmeysay markii lagu wareejiyay

Haweeney muddo 20 sano ka badan Guri ay lahayd looga heystay magaalada Muqdisho ayaa maanta la ilmeysay kadib markii lagu wareejiyay furaha gurigeeda oo dhibaato badan ay ka martay in dadkii ka heystay looga qaado.

Guddoomiyaha gobolka Banaadir Yuusuf Xuseen Jimcaale ayaa xaflad la soo abaabulay oo kooban haweeneydaasi oo lagu magacaabo Saciido Maxamed Mursal  ku wareejiyay furaha gurigeeda, iyadoo muddo 20 sanno ka badan ay ka heysteen dad xoog is biday.

Yuusuf Jimcaale ayaa sheegay  in maamulka Gobalka Banaadir aanu oggolaan doonin in hanti uu leeyahay qof muwaadin ah si shari darro ah ku heysaan dad kale.

Taliyaha qeybta guud ee gobalka Banaadir Bashiir Abshir Geedi ayaa isna sheegay in hay’addaha ammaanka baaritaan dheer kaddib la ogaaday in Hooyadan gurigeeda sharci darro looga heystay. Gurriga oo ku yaalla degmada Waaberi ee magaalada Muqdisho waxay maanta dib u hanatay milkiyadiisa.

Sacdiya Maxamed Mursal oo dareen farxadeed la ilmeysay ayaa sheegtay inay inay cadaalad ka jirto Magaalada Muqdisho mar haddii gurigeeda loo soo celiyay, waxayna caddeysay inay aad ugu faraxsan tahay in mar kale ay hesho hantideedii.

DAAWO SAWIRRO

Sacdiya4

Sacdiya3

Sacdiya2

Sacdiya1

Goobjooge.com

 

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON