Thursday, June 26, 2025

SAWIRRO: Haweeney Kenyaan ah oo afduub laga soo badbaadiyay Magaalada Cadaado

Maamulka Galmudug ayaa magaalada Cadaado saxafadda ugu soo bandhigay haweeney Kenyan ah oo xalay ciidamada Nabadsugiddu hawlgal ku soo badbaadiyeen.

Kadib markii ciidanka Nabadsugidda Qaranku xalay hawlgal ay ka fuliyeen  deegaanka Camaara ee gobolka Mudug ay ku soo badbaadiyeen Loise  Njoki Weru oo ah haweeney Kenyan ah oo 2-sano u qafaalneed koox burcad ah ayaa maanta waxaa maamulka Galmudug uu ku soo bandhigay magaalada Cadaado.

Madaxwayne ku xigeenka Galmudug Maxamed Xaashi Cabdi ayaa haweeneydaan oo ay ka muuqato duruuf nololeed ku soo dhaweeyay xafiiskiisa.

Loise  Weru  ayaa sheegtay in kooxda ay u qafaalneed ay ula dhaqmayeen si naxariis dara ah, oo xitaa aysan helin biyo ay cabto xilliyada qaar, balse maanta ay ku faraxsantahay in la soo badbaadiyay.

“Waxaan 2 sano u qafaalnaa dad aan nariis lahayn, xalay ayaa ciidamadu i soo badbaadiyeen, waxaan hadda la joogaa madaxwayne ku xigeenka Galmudug oo ka qayb qaatay soo dayntayda, waxaan dhihi karaa ma fududayn, waana nabad qabaa hadda, waxaan ahay xor. waxaan la joogaa Galmudug” ayay tiri Loise

Madaxwayne ku xigeenka dawlad goboleedka Galmudug Maxamed xaashi Cabdi ayaa sheegay in dadaal dheeraad ah ay ku bixiyeen soo furashada gabadhan iyo lahaystayaal kale oo horey loo soo badbaadiyayba.

Horraantii sanadkan ayaa hawlgal nuucan ah oo kale lagu soo badbaadiyay nin isna Kenyan ah oo gabadhan lala qafashay, waxaana ay ahaayeen shaqaale caafimaad.

?

?

?

SONNA

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON