Sunday, July 13, 2025

SAWIRRO: Haweeneydii ugu horeysay oo loo dalacsiiyay Gaashaanle Sare ka tirsan Booliska

Haweeney ka tirsan ciidamada Booliska ayaa maanta loo dalacsiiyay darajada Gaashaanle sare, iyadoo noqotay mid ka mida haweenkii ugu sareeyay ee heerkaas gaarta.

Taliyaha ciidanka booliiska Soomaaliyeed Sareeyo Gaas Maxamed Sheekh Xasan Xaamud ayaa u xiray darajada Gaashaanle sare haweeney kamid ah saraakiisha Booliska Soomaaliyeed  oo  lagu magacaabo Faadumo Xasan Maxamed (Neero).

Sarkaaladan ayaa ah Madaxa hHogaanka Is-dhaxgalka Bulshada iyo Booliska iyadoo lagu shaqadeeda iyo kartideeda, waxaana Faadumo ay ciidanka booliska Soomaaliyeed kusoo biirtay 1971, iyadoo xilal kala duwan kasoo qabatay Booliska.

Taliyaha Boolsika ayaa sidoo kale darajooyin loo dalacsiiyay u xiray  madaxa Waaxda ka hortagga tacadiyadda haweenka iyo carruurta Dhamme Idil Cabdullaahi Xasan iyo kuxigeenkeeda  Dhamme Raxma Salaad Maxamed.

Taliyaha ciidanka booliska  S/G Maxamed Sheekh Xasan Xaamud  oo ugu dambeyn ka hadlay goobtii dalacsiinta loogu xerayey saraakiishaan gabdhaha ah ayaa sheegay inay ku dadaalan in la xoojiyo booliska.

DAAWO SAWIRRO

IMG_8264IMG_8270IMG_8275 (1)IMG_8275IMG_8276IMG_8278IMG_8280IMG_8290IMG_8307IMG_8326IMG_8337IMG_8339 IMG_8367

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON