Ciidamada Booliska Gobolka Banaadir mar kale howlgal ay xalay xaafado ka tirsan degmada Hodan ku soo qabtay dad badan oo lagu eedeeyay inay ka tirsan yihiin kooxaha amni darrada ka wada Muqdisho, waxaana howlgalka ka qeyb qaatay ciidamo si gaara u tababarran.
Dadka lagu soo qabtay howgalka habeenimo ayaa tiradooda lagu sheegay 23 ruux oo lagu helay hub iyo dareys ciidan iyo agabyo kale oo ay heysteen. Ciidamada ayaa intii ay wadeen howlgala waxay guri guri u baareen xaafado ka tirsan degmada Hodan oo la sheegay inay macluumaad ka heysteen.
Taliyaha Hogaanka howlgallada Booliska Jen. Axmed Xasan Maalin ayaa Saxaafada ayaa sheegay in howgalka lagu soo qabtay dhalinyaro lala xiriirinayo inay ka tirsan yihiin Al-Shabaab, wuxuuna intaas ku daray in baaritaan lagu sameyn doono sharcigana la hor geyn doono.
[ad name=”HTML-2″]
Goobjooge.com
[ad name=”HTML-1″]