Dowladda Imaaraadka Carabta ayaa u muuqata inay qaaday tallaabo ay iskeed ugu aqoonsatay maamulka Somaliland iyadoo aan la shaacin.
War lagu qoray wakaaladda wararka Imaaraadka Carabta ee WAM oo looga hadlay socdaalka madaxweynaha Somaliland ku jooga dalkaasi ayaa lagu soo qaatay ereyo muujinaya in Imaaraadku uu maamulka Somaliland ku sheego dal ay xiriir la leeyihiin.
Ra’iisul Wasaare ku xigeenka ahna Wasiirka Arrimaha madaxtooyada,Sheikh Mansour bin Zayed Al Nahyan ayaa qaabilay madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi. Waxayna wakaalada wararka Imaaraadka ee rasmiga ah ay qortay in Sheikh Mansour iyo madaxweyne Biixi ayaa ka wadahadleen sidii loo xoojin lahaa xiriirka labada dalsi loogu adeego danaha wadaagga ah ee labada dal iyo dadkooda.
Waxay sidoo kale dib-u-eegis ku sameeyeen mashaariicda dhaqaale, bani’aadanimo iyo horumarineed ee Imaaraadku ka fuliyo Somaliland ee looga faa’ideynayo shacabka Somaliland.
Imaaraadka ayaa ka tallaabo dheereeyey Itoobiya oo dhowaan war lagu qoray website-ka Wasaaradda arrimaha dibadda dalkaasi, kaasoo Somaliland loogu yeeray Jamhuuriyad si degdeg looga tiray, dibna loo saxay.
جرى خلال اللقاء بحث العلاقات الثنائية وسبل تعزيزها وتطويرها بما يخدم المصالح المشتركة بين البلدين والشعبين الشقيقين .. كما تم استعراض البرامج والمشاريع التنموية والاقتصادية والإنسانية التي تنفذها دولة الإمارات العربية المتحدة لصالح أرض الصومال وشعبها الشقيق.
HOOS KA AKHRISO WARKA OO INGIRIIS AH
Mansour bin Zayed receives President of Somaliland
ABU DHABI, 14th March, 2018 (WAM) — H.H. Sheikh Mansour bin Zayed Al Nahyan, Deputy Prime Minister and Minister of Presidential Affairs, received Muse Bihi Abdi, President of Somaliland, at the Presidential Palace on Wednesday.
H.H. Sheikh Mansour and the President Abdi discussed ways of enhancing bilateral relations to serve mutual interests of the two countries and their peoples.
They also reviewed economic, humanitarian and developmental projects being implemented by the UAE for the benefit of the people of Somaliland.