Sunday, July 13, 2025

SAWIRRO: In ka badan Meydadka 50 Alshabaab ah oo laga soo ururiyey Buulomareer & Qasaare ba’an oo kasoo gaaray…

Saraakiisha ciidamada dowladda ee Gobolka Sh/hoose ayaa xaqiijiyey in ilaa 53 meyd ah oo ka tirsan maleeshiyada Alshabaab laga soo ururiyey goobtii dagaalku ka dhacay ee saldhigga AMISOM ku lahayd Buulomareer.

Maleeshiyadan oo ahayd tii ugu badneyd ee ururka Al-Shabaab loogu dilo weerar qura muddooyinka danbe ayaa la sheegay in si weyn ay isaga caabiyeen ciidamadii AMISOM ee weerarka ku soo qaaday saldhig ciidamada AMISOM ay ku leeyihiin magaalada Buula Mareer.

Al-Shabaab ayaa qiratay inay ka dhinteen 14 maleeshiyo ah, iyagoo sheegay inay AMISOM ka dileen 59 askari. Milatariga Uganda ayaa sheegay inay weerarkaasi uga dhinteen 4 askari.

Al-Shabaab ayaa shalay weeraray saldhigyada ciidamada Uganda iyo kuwa Soomaalida ee ku yaalla Buula Mareeer, Golweyn, Qoryooley iyo Mashallaay.

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON