Thursday, July 17, 2025

SAWIRRO: Kaniisadii Magaalada Jigjiga oo la gubay iyo taageerayaasha Cabdi Iley oo bannaanbaxyo wada..

Wararkii ugu dabeeyay ee magaalada Jigjiga ayaa sheegaya in qalalaase weyn uu magaalada ka jiro iyadoo la gubay kaniisadii magaalada ku taallay.

Arrintan ayaa ka danbeysay markii ciidamada Itoobiya ee federaalka ay qabsadeen xarumaha dowladda magaalada Jigjiga iyo kuwa maamulka dowlad degaanka Soomaalida Itoobiya sida xaruntii Baarlamaanka.

Dhalinyaro lagu magacaabo HEEGO oo taageera madaxweynaha maamulka DDSI Cabdi Maxamud Cumar ayaa bannanbaxyo rabshado wata ka dhigay magaalada, waxaana magaalada ay gashay xaalad kacsan, iyadoo la gubay Kaniisadii magaalada ku taallay.

Dhalinyarada taageersan Cabdi Iley ayaa ayaa baraha bulshada ka wada olole ay ku sheegayaan in ciidamada la geeyay Jigjiga ay yihiin kuwo Oromo ah, waxayna dadka ugu baaqayaan inay dagaalamaan.

Ilaa iyo hadda lama oga halka uu ku danbeeyay madaxweynaha maamulkii Soomaalida Itoobiya oo xiriirka uu la leeyahay dowladda Federaalka Itoobiya uu si weyn u xumaaday isagoo diiday inuu tago Addis ababa oo looga yeeray.

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON