SAWIRRO: Kooxda Alshabaab oo dowladda Farmaajo uga hormartay Gurmadka Abaaraha

0

Kooxda Alshabaab ayaa gobolka Shabeelada hoose ka bilowday qeybinta gargaar la siinayo dadka tabaaleysan ee abaaraha ku dhufteen.

Warbaahinta Alshabaab ayaa baahisay sawirrada cunto gargaar ah oo wilaayada Shabeelada hoose ka qeybisay degmooyin ka tirsan Gobolka Shabeelada hoose.

Waxaa kaloo Alshabaab ay sheegtay inay biyo dhaamin iyo cunto qeybin ka wado tu
ulooyin hoos yimaada degmooyinka Baraawe, Wanlaweyn, Tooratoorow, Kuntuwaarey iyo Qoryooley.

Arrintn ayaa loo arkaa isku day ay kooxda Alshabaab ku dooneyso inay isu muujiso maamul wax ka qabanaya dhibaatooyinka dadka, iyagoo gurmadka abaaraha uga hormartay dowladda cusub ee Madaxweyne Maxamed C/llaahi Farmaajo.

DAAWO SAWIRRO