Thursday, June 26, 2025

SAWIRRO: kooxda Alshabaab oo soo bandhigtay awoodda ay ku leeyihiin gudaha dalka Kenya

Ururka Al Shabaab qeybtiisa dalka Kenya ayaa baaq hanjabaad ah u diray dowladda Kenya, wuxuuna ku soo bandhigay video iyo sawiro muujinaya inay joogitaan weyn iyo awood ku leeyihiin gudaha Kenya.

Waxay sheegeen Al-shabab inay ciidamo badan ka joogaan Keymaha Boni ee dalka Kenya, dhulkan waxaa la sheegayaa inay ku jiraan ku dhawaad 300 oo ciidan oo Shabaab ka tirsan, kuwaasi oo isugu jira Somaliy iyo Ajaanib u dhashay dalka Kenya. Sarkaal ka tirsan Shabaabka oo ka soo jeeda dalka Kenya, laguna magacaabo Sheekh Axmed Iimaan oo ka soo muuqday Video Shabaabka soo bandhigeen, ayaa sheegay inay awood ku leeyihiin Keymaha Boni, isaga oo fariin u diray Xukuumadda Kenya.

“Anaga ayaa joogna Keymaha Boni ee Kenya ciidanka kufaarta Kenya waxaa leenahay hadaad awood leedihiin kaalaya oo naga saara”. Ayuu yiri Sheekh Axmed Iimaan. Sarkaalkaan wuxuu sheegay gudaha dalka Kenya inay ku faafin doonaan dagaalka oo ugu yeeray jihaadka. Sawiro Shabaabka ay soo bandhigeen, ayaa muujinaayay ciidamo ka tirsan Xarakada oo tababar ku qaadanaya dhul geedo waaweyn ay ku yaallaan oo howd ah, halkaasi oo ah Keymaha Boni oo Shabaabka ay ku jiraam.

DAAWO SAWIRADA:

Boni-Shabaab-1

Boni-Shabaab-5

Boni-Shabaab-2

Boni-Shabaab-3

Boni-Shabaab-4

Goobjooge.com

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON