Wafdi uu hoggaaminayo Madaxa ugu sareeya Hay’adda Qaxootiga u qaabilsan Qaramada Midoobay ee UNCHR ayaa lagu soo dhoweeyay magaalada Muqdisho.
Booqashada madaxa UUNHCR Filippo Grandi ayaa noqonaya kii ugu horeeyay ee uu Soomalaiya ku yimaado, waxaana wehliya Maxamed Cabdi Afeey oo ah ergeyga gaarka ee UNCHR u qaabilsan Geeska Africa.
Wafdiga waxaa Garoonka diyaaradaha Aden Cadde ee magaalada Muqidsho kusoo dhoweeyay Mas’uuliyiin ka tirsan dowladda iyo Xafiiska Qaramada Midoobey ee Muqdisho oo uu horkacayo wakiilka Un-ka ee Soomaaliya Micheal Keating.
Wafdiga UNHCR ayaa kulamo la yeelan doona madaxda sare ee dowladda Federaalka oo ay ka wadahadli doonaan Xaaladda gargaarka iyo qaxootiga Soomaalida.
SAWIRRO