Tuesday, July 1, 2025

SAWIRRO: Madaxweynaha Eritrea oo si weyn loogu soo dhoweeyay Caasimadda Somalia

Wafdiga madaxweynaha Eritrea Isaias Afwerki oo maanta booqasho rasmi ah ku yimid caasimadda Soomaaliya ayaa si weyn loogu soo dhoweeyay magaalada Muqdisho.

Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa hormuud ka ahaa soo dhoweynta isagoo garoonka diyaaradaha Aadan Cadde uga hortegay Madaxweynaha dalka Ereteriya iyo wafdiga uu hoggaaminayey.

Labada Madaxweyne ayaa salaan sharaf ka qaatay cutubyo ka tirsan Ciidanka Xoogga Dalka, iyadoo astaanta labada dal ay garaacayeen Ciidanka Baambayda Soomaaliyeed.

Sidoo kale, kumannaan shacab ah ayaa isugu soo baxay fagaarayaasha caasimadda si ay u soo dhaweeyaan Madaxweyne Isaias Afwerki iyo wafdigiisa, iyagoo ku dhawaaqayey hal-ku-dhigyo ay ku muujinayeen xiriirka ka dhaxeeya labada shacab.

Madaxweynaha dalka Ereteriya iyo wafdigiisa ayaa booqasho rasmi ah oo labo maalin ah ku joogi doona dalka, kaddib casuumaad rasmi ah oo uu u fidiyey Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya.

Soodhaweynta Wafdiga Madaxweynaha dalka Ereteriya waxaa ka qeyb galay Raiisul Wasaare Kuxigeenka Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Mahdi Maxamed Guuleed, Xubno ka tirsan Golaha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudanayaal ka tirsan labada Aqal ee Baarlamaanka, Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Mudane Cabdirixmaan Cumar Cusmaan (Eng.Yarisow) iyo Taliyeyaasha Ciidanka Xoogga Dalka.


NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON