Madaxweynaha dalka Kenya Uhuru Kenyatta ayaa kulan sagootin ah u sameeyay safiirkii hore ee Soomaaliya u fadhiyay dalkaasi.
Xaflad ka dhacay guriga dowladda ee madaxooyada dalkasi ayuu madaxweyne Uhuru ku macsalaameeyay safiirkii hore Jamaal Xasan Maxamed oo noqday wasiirka Iskaashiga caalamiga ah ee dowladda federaalka.
Xafladda sagootinta waxaa goobjoog ka ahaa sii-hayaha safiirka Soomaaliya ee Kenya Cali Maxamed Sheekh (Bagadi), waxaana madaxweynaha Kenya maamuus gaar ah u sameeyay safiirka hore.
Dowladda Soomaaliya ayaan weli safiir rasmi ah u magacaabin dalka Kenya oo ka mida dalalka ay Soomaaliya ku leedahay safaaradaha waaweyn.
SAWIRRO