Madaxweynaha Soomaalida Xasan Sheekh Maxamuud oo socdaal shaqo ku jooga dalka Kenya ayaa maanta booqday xarunta safaaraddii hore ee Soomaaliya ku lahayd dalka Kenya oo dayactir lagu wado kadib markii dacwad dheer lagu soo celiyay.
Danjiraha Soomaaliya u fadhiya dalka Kenya Jamaal Maxamed Xasan iyo ku xigeenkiisa ayaa xarunta safaaradda ku soo dhoweeyay madaxweynaha,wasiirka arrimaha dibadda, wasiiru-dowlaha arrimaha gudaha, xildhibaano ka tirsan baarlamaanka iyo masuuliyiin kale.
Dhismaha safaaradda waxaa lagu wadaa dayactir, ayadoo bilaha soo socda la qorshaynayo in dib loo howlgeliyo xarunta safaaradda iyadoo ay hadda safaaradu ku shaqeyso dhisme kiro ah.