Madaxweynaha Federaalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud oo maanta tegay magaalada Beledweyne ayaa sheegay inaysan ka daali doonin inay ka mira dhaliyaan dhismaha maamul goboleed ay yeeshaan gobollada Shabeellaha Dhexe iyo Hiiraan.
Kadib markii uu maanta tegay ayuu saxaafadda la hadlay isagoo sheegay inay muhiim tahay maamul ay yeeshaan gobollada Hiiraan iyo Shabeellaha Dhexe, iyadoo la eegayo danta guud iyo shacabku si ay helaan adeegyada muhiimka ah ee au u baahan yihiin.
Kulankiisii koowaad ayuu madaxweyne Xasan Sheekh warbixin kaga dhageystey Wasiirka Arrimaha Gudaha iyo federaalka C/raxmaan Maxamed Xuseen (Odawaa) iyo Guddoomiyaha gobolka Hiiraan Yuusuf Axmed Hagar (Dabageed) oo sheegay xaalada adag ee ka jirta gobolka Hiiraan.
Madaxweynaha waxaa wehliya wasiirka Amniga Qaranka C/risaaq Cumar Maxamed, Wasiirka Batroolka Maxamed Mukhtaar Ibraahim, Wasiirka Dhalinyarada iyo Isboortiga, Maxamed Cabdullaahi Xasan iyo xildhibaano kasoo jeeda Gobolka Hiiraan.
DAAWO SAWIRRO