Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed C/llaahi Farmaajo ayaa magaalada Qaahir kula kulmay madaxweynihii hore ee Soomaaliya C/qaasim Salaad Xasan.
Farmaajo ayaa gurigiisa ku booqday madaxweynihii hore, iyadoo ka wadahadlay xaaladda Soomaaliya, waxayna is weydaarsadeen tallooyin ku saabsan xaaladda Soomaaliya.
“Waxaa muhiim ahayd inaan wadahal la yeesho, waxna ka ogaado taariikhdii dalka, wax badan ayaan ka kororsaday madaxweynihii hore C/qaasim salaad Xasan” ayuu yiri Madaxweyne Farmaajo.
C/qaasim Salaad ayaa degan dalka Masar kadib markii uu dalkaasi u guuray sanadkii 2005, markii uu xilka ka degay.
Goobjooge