Sunday, July 13, 2025

SAWIRRO: Madaxweyne Farmaajo oo qaabilay Safiirka cusub ee dalka Itoobiya

Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed C/llaahi Farmaajo ayaa maanta qaalibay  Safiirka cusub ee Itoobiya u qaabilsan Soomaaliya Jamaaludiin Mustafa Omar.

Madaxweynaha ayaa waraaqihiisa aqoonsiga ka guddoomay safiirka Safiirka Itoobiya Amb. Jamaaludiin oo dhowaan loo soo magacaabay Soomaaliya, waxaana arrintan ku soo beegantay iyadoo Farmaajo ku sii jeedo magaalada Adis ababa.

Madaxweyne Farmaajo ayaa ku soo dhoweeyay xafiiskiisa Danjiraha cusub ee Itoobiya Amb. Jamaaludiin oo kasoo jeeda Soomaalida Itoobiya, waxaana uu soo gaarsiiyay casuumaad iyo qoraal uu uga siday madaxweynaha Itoobiya.

Munaasabadda waxaa goobjoog ka ahaa Wasiirka Arrimaha Dibadda Soomaaliya Yuusuf Garaad Cumar iyo xubno ka tirsan wasaaradda arrimahadda dibadda iyo madaxtooyada.

SAWIRRO

Madaxwey

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON