Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa munaasbadda Ciidul fitriga awgeed kormeer ku tegay Isbitaallo ay ka mid yihiin Isbitaalka Xoogga Dalka, Medina iyo Digfeer (Rajeb Erdogan), isagoo qalab deeq ahna guddoonsiiyey qaarkood.
Kormeerka waaa Madaxweynaha ku wehliyay taliyeyaasha ciidamada Booliska iyo asluubta, wuxuuna warbixin ka dhageystay Agaasimeyaasha iyo dhakhaatiirta Isbitaallada kala duwan, wuxuuna isbitaalka Medina ku wareejiyay Qalab caafimaad oo loogu tala galay gargaarka degdegga ah iyo Agabka wax lagu baaro.
Wuxuu isbitaallada ku booqday bukaannada iyo dhawaacayada ka tirsan ciidamada qalabka sida iyo shacabka ee yaalla Isbitaallada Ciidanka Xoogga Dalka iyo Medina.