Wednesday, June 25, 2025

SAWIRRO: Madaxweynihii hore ee Mareykanka Barack Obama oo booqasho ku jooga dalka Kenya

Madaxweynihii hore ee Maraykanka, Barack Obama aya maanta tegey Kenya, halkaasoo uu  kasoo jeedo, isagoo booqasho laba maalmood ah ku joogi doona dalkaasi.

Waa markii ugu horraysay, tan iyo markii uu xilka ka degey, ee uu ku laabto Kenya, waxaana socdaalkiisa ku wehliya qoyskiisa. Isla maanta wuxuu madaxtooyada magaalada Nairobi kula kulmay madaxweyne Uhuru Kenyatta, waxaana sidoo kale qorshaha ugu jira inuu la kulmo hpogaamiyaha mucaaradka, Raila Odinga.

Waxaa la filayaa in arrimo aanay siyaasad la xiriirin ay isla soo qaadi doonaan, iyadoo Obama iyo qoyskiisa ay maalmo ku qaadanayaan dalka Kenya.

Uhuru Kenyatta, Barack Obama iyo Auma Obama
Uhuru Kenyatta, Barack Obama iyo Auma Obama

Qorshaha Mr Obama waxaa ku jira inuu tago gobolka Nyanza, halkaasoo uu xarigga ka jari doono mashruuc wax loogu qabanayo dumarka, carruurta iyo dhallinyarada, kaasoo ay maamuli doonto hay’adda Sauti Kuu Foundation oo ay maamusho walaashii Auma Obama.

Mr Obama wuxuu kaloo tegi doonaa tuulada uu aabihii ka soo jeedo ee Kogelo, halkaasoo ay ku nooshahay ayeydii, Sarah Obama.

Dadka reer Kogelo oo Mr Obama u arka wiil ka dhashay deegaankooda ayaa todobaadyadii dhowaa diyaar garow weyn ugu jiray soo dhoweyntiisa. Madaxda Kenya waxay iyaguna u arkaan Mr Obama inuu yahay saaxiib weyn oo ay ku leeyihiin galbeedka.

Booqashadiisa Kenya ka dib, waxaa lagu wadaa Mr Obama inuu uga sii gudbo dalka koofur Afrika.

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON