Wararkii ugu danbeeyay ee magaalada Marko xarunta Gobolka Sh/Hoose ayaa sheegay in xaaladda magaalada ay degan tahay, kadib markii ay shalay la wareegeen ciidamo uu hoggaaminayo Jen. C/llaahi Cali Caanood oo ka tirsan Milateriga Soomaaliya.
Muuqaaladii ugu danbeeyay ee magaalada ayaa muujinaya in ciidamada AMISOM ay taageero siiyeen ciidamada Jeneraal Caanood sida ay ku sheegeen qoraal ay soo saareen, iyadoo magaalada laga soo qabtay dad dhalinyaro ah oo lagu tuhmay inay la shaqeeyaan Alshabaab.
Jeneraal Caanood ayay AMISOM kasoo xigatay inuu bogaadiyey doorka ciidamada milateriga ka qaateen xoreynta magaalada Marko, wuxuuna sheegay inay sii wadi doonaan sidii ay dalka uga xoreyn lahaayeen Alshabaab.
HOOS KA DAAWO SAWIRRADA