Madaxweynaha Somaliland Muusu Biixi Cabdi iyo wafdigii uu hoggaaminayey ayaa xlay gaaray magaalada Abu Dhabi ee dalka Imaaraadka Carabta.
Waxaa wafdiga madaxweynaha Somaliland soo dhoweeyay xubin ka tirsan magaalada Abu Dhabi, iyadoo lagu wado inuu kulamo la yeesho madaxda dalka Imaaradka Carabta, iyadoo la sheegay inuu casuumaad ka helay dhaxalsugaha Imaaradka Sheekh Maxamed Bin Sayid.
Wararka ayaa sheegaya in Imaaraadka Carabta uu taageero dhaqaale siin doono maamulka Somaliland xilli ay kacsan tahay xiisada siyaasadeed ee ka dhalatay heshiiska Berbera oo dowladda Soomaaliya ay si toos ah uga hor timid.