Ciidamada Amniga Gobolka Bari ayaa magaalada Boosaaso kusoo bandhigay magaalada Boosaaso saddex nin oo qiranaya inay ka mid ahaayeen Ururka Alshabab iyo Kooxda Daacish, balse go’aansadeen inay isaga baxaan kooxaha ay ka tirsanaayeen.
Xubnahan ayaa kala ah:
- Axmed Aadan C/laahi (Shaafici)
- Muuse Aadan Maxamed (Gaal-dille)
- C/llaahi Ibraahim.
Axmed Aadan Cabdulaahi Aw-Cabdi oo kooxu u taqaanay (Shaafici) ayaa sheegey inuu muddo afar sano ah ka tirsanaa xoogaga Alshabab ee ku dhuumaalaysta buuraha Calmadow ee Bariga Puntland, kadibna ku biiray kooxda Daacish balse ay ku qabteen ciidamada Amniga.
Muuse Aadan Maxamed (Gaal-dile) ayaa isna sheegey inuu ka mid ahaa saraakiisha Kooxda Alshabab ee Koonfurta Soomaaliya, laguna qabtay Garoonka diyaaradaha magaalada Boosaaso.
Cabdulaahi Ibraahim ayaa qirtay in muddo laga joogo 15 cisho ka hor uu kasoo baxsaday Kooxda Alshabab ee saldhigyada qarsoon ku leh buuraha Calmadow ee Gobolka Sanaag .
Gudoomiyaha Gobolka Bari Yuusuf Maxamed Wacays bandhigga raggan kadib saxaafadda la hadlay ayaa sheegay in sharciga la marsiin doono cid kasta oo ka mida kooxaha dowlada kazoo horjeeda, laakiin ma shaacin waxa laga yeeli doono saddexdan nin.
DAAWO SAWIRRO
GOOBJOOGE.COM