Faahfaahin dheeraad ah ayaa laga helay lacag lacag fara badan oo lagu qabtay maanta magaalada Muqdisho, taasoo ku socotay safaaradda Imaaraadka Carabta ee magaalada Muqdisho.
Ciidamada Amniga Garoonka ayaa gacanta ka dhigay Boorsooyin waaweyn oo lacagtaasi ku jirtay, waxaana markii danbe la geeyay xarunta NISA ee Muqdisho, iyadoo kadibna loo qaaday Bankiga Dhexe ee magaalada Muqdisho.
Lacagtay ayaa warar kala duwan kasoo baxeen cadadkeeda iyo halka ay ku socotay ugu danbeyta, waxaana hadda ku socda baaritaan.
HOOS KA DAAWO SAWIRRADDA XILLIGII GAROONKA LAGU QABTAY