Sunday, July 13, 2025

SAWIRRO: Qaar ka mida Madaxweynayaasha Maamul Goboleedyada oo gaaray Magaalada Baydhaba

Wararka laga helayo magaalada Baydhaba aya sheegaya inay halkaasi gaareen qaar ka mida madaxda maamul goboleedyada, iyadoo qaar kale ay ku sii jeedaan.

Madaxweynayaasha Maamullada Jubbaland Axmed Maxamed Islaam (Axmed Madoobe)  iyo Hirshabeelle Maxamed Cabdi Waare ayaa lagu soo dhoweeyay Garoonka Shaatigaduud ee magaalada Baydhaba, iyadoo uu uga hortegay Madaxweynaha k/Galbeed Shariif Xasan Sheekh Aadan.

Axmed Madoobe oo diyaarad Gaara ay ka qaaday magaalada Kismaayo, isagoo ahaa Madaxweynihii u horeeyay oo ka socda dowlad goboleedyada oo ka dega Baydhabo, haka Madaxweynaha Hirshabeelle uu isna diyaarad ka raacaay magaalada Muqdisho .

Madaxweynayaasha Puntland iyo Galmudug ayaa la sheegay inay ku wajahan yihiin magaalada Baydhaba oo amnigeeda si weyn loo adkeeyay, waxaana shirka madaxda maamul Goboleedyada uu hordhac u yahay shirka Amniga Qaran.

Image may contain: 4 people, people smiling, people standing and suit

Image may contain: 7 people, people smiling, people standing and outdoor

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON